Sida ay wararku tibaaxayaan ciidamo taabacsan CabdiCasiis Laftagareen ayaa maanta la wareegay gacan-ku-heynta degmada Qansax Dheere, ee gobolka Baay.
Maxamed Xuseen Joon, afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ee taabacsan Laftagareen, ayaa xaqiijiyey in ciidamadoodu ay la wareegeen Qansax Dheere.
Bayaan uu soo saaray Joon ayuu ku sheegay in ciidamada ay magaalada gudaha u galeen subaxnimadii Khamiista, ayna si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynteeda.
Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu sheegay in degmada Qansax Dheere ay haatan dib ugu soo noqotay awoodda maamulka CabdiCasiis Laftagareen.
Joon waxa uu u mahadceliyay dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah, kuwaas oo uu sheegay inay ciidamada si diirran u soo dhaweeyeen.
Waxa uu sheegay in askarta, saraakiisha iyo mas’uuliyiinta la socotay ay ka shaqayn doonaan soo celinta maamulka iyo kalsoonida shacabka.
Afhayeenku waxa kale oo uu ugu baaqay dadka ku nool degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed inay isu diyaariyaan soo dhoweynta ciidamada iyo mas’uuliyiinta taabacsan Laftagareen.
Isla bayaanka, Joon waxa uu sheegay in maamulka uu filayo inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqo qabsashada Baydhabo, oo ah caasimadda ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Bayaanka ayaa qabsashada la sheegay ee Qansax Dheere ku tilmaamaya qayb ka mid ah olole ballaaran oo lagu doonayo in degmooyinka kale iyo Baydhabo lagu hoos keeno maamulka Laftagareen.
Waa degmadii ugu horreysay ee maamulka CabdiCasiis Laftagareen uu la wareego tan iyo wixii ka dambeeyey markii Gurguurte uu duullaanka ku qabsaday magaalada Baydhabo.
FG: Fadlan kusoo biira ciwaankayaga cusub ee X/Twitter:
